War Deg Deg ah:- Dagaal ka socda Duleedka Magaalada Gaalkacyo iyo Ciidamada Galmudug oo Weerar soo Qaaday

Wararka ka imaanaya Degaanada Dhaca Waqooyig  Gobolka Mudug gaar ahaan Degaanada Miyiga ah ee hoostaga Godod ayaa sheegaya inuu hadda ka soconayo Dagaal Culus oo u dhexeeya Maleeshiyo Xoolo dhaqato ah oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka ayaa la sheegay in u Geystay Khasaare soo kala gaaray Dhinacyada Dagaalamaya,waxaana Dadkii ku dhaawacmay Dagaalka ka socda Tuulooyinka Hoosyimaada Godod la geeyay Isbitaalada ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.

Illaa hadda ma jirto wax War ah oo ka soo baxay Maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku aadan dagaalka ka socda Waqooyiga Bari ee Gobolka Mudug,iyadoo Dagaalada Salka ku haya Aanooyinka Qabiilka ay ku soo laab laabteen Gobolka Mudug.

Faah-faahin dib kala soco Insha Alh

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone

Related posts

Leave a Comment