SAWIRRO+XOG: Faahfaahin ka soo baxaysa Qaraxii Boosaaso, Halka loo waday & Qofka Is qarxiyeyba?

Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya qarax uu geystay qof naftiisa haligay oo ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana wararku sheegayaa in qofkan is qarxiyey uu watay gaari-gacan ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa.

Saraakiisha Laamaha Amniga ayaa sheegay in qofka is qarxiyey ay sidaas oo kale ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa ugu dambeyntiina uu qarxay.

Goobta uu qaraxan ka dhacay ayaa ku dhaw Albaabka hore ee Saldhiga bartamaha magaalada Boosaaso, waxayna Saraakiisha Amnigu xaqiijiyeen in ujeedadu dabcan ahayd in uu gudaha u galo ama banaanka isku qarxiyo.

Ma jiraan cid wax ku noqotay, waxaana goobta ahayd meel ay ku ganacsadaan Haween badan oo kamid ah Ganacsatada magaalada Boosaaso.

Ma jiraan cid ilaa hadda ka hadashay dhacdadan oo faahfaahin ka bixisa shaqsiga qarxay iyo waxyaabaha uu watayba, laakiin warar hoose ayaa sheegaya in uu u muuqday mid diyaarsanaa oo loola jeeday bartilmaameedyo.

Laamaha Amniga Puntland ayaa ku jira heegan sare oo la xariira sidii ay uga hortagi lahaayeen falalka Argagixiso, waxayna la hardamayaan shabakado Argagixiso oo doonaya in ay laayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone

Related posts

Leave a Comment