Sawirro: Dowladda Puntland oo gurmad u dirtay Muqdisho

Dowladda Puntland ayaa gurmadkii ugu horreeyay gaarsiineysa magaalada Muqdisho, dawooyin iyo agab caafimaad oo ay dhakhaatir waheliyaan ayaa diyaaradi ka qaaday Garoowe.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cuuke iyo guddigii arrintaan loo xil saaray ayaa deeqdan garsiinaya magaalada Muqdisho.

Dowladda Puntland waxay noqonaysaa dowlad gobolleedkii ugu horreeyay oo gurmad ay diyaarad sido geynaya Muqdisho, kaddib qarax boqollaal rayid u badan ay ku dhinteen oo ka dhacay 14 bishan isgoyska mashqulka badnaa ee Zoobe.

Daawo sawirrada










Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone

Related posts

Leave a Comment