Sawirro Cusub :- Gudoonka Cusub ee waxbarashada gobolka Mudug iyo Kan degmada Gaalkacyo oo xilalkooda lawareegay.

Munaasabad balaaran ka dhacday hoolka Shirarka Iskuulk Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa xilalka kula kala wareegay gudoonka cusub waxbarashada gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.

Xilwareejinta waxaa goob joog ahaa Wasiirka wasaarada deegaanka dowlada Puntland,Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dowlada Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), Gudoomiyaha gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo Nabadoono, macalimiin iyo maamulaayasha iskuulaadka.

Maxamed Shufeer ayaa waxa uu xilkii uu kusime ahaanta uhayay uu kuwareejiyay gudoonka cusub ee waxbarashada degmada Gaalkacyo Cali cabdi Sahal isagoona sheegay in uu yahay nin ka soobixi kara xilkaas.

Dhanka kale Maxamed Yuusuf ayaa isna dhankiisa waxa uu xilkii uu kusime ahaanta uhayay kuwareejiyay mudane Axmed Huruuse oo loomagacaabay Gudoonka waxbaarshada gobolka Mudug.

Daawo Sawirada.

 

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone

Related posts

Leave a Comment