Iska horimaad hubeysan oo goor dhaw ka dhacay deegaan kamid ah gobalka Sool

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in uu dhacay iska horimaad hubeysan oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyo ka soo horjeeda in doorashadaas laga hirgaliyo Nugaasha gobalka Sool deegaanada loo yaqaano.

Wararka ayaa sheegaya in ay ciidamadan hubeysan ku guuleysteen in ay dib u celiyaan Kolonyo gaadiid dagaal ah oo galbinaysay Sanaadiiqda Doorashada oo la doonayey in la geeyo deegaano kamid ah gobalka Sool.

Warar madax banaan ayaa u sheegay allpuntlander  in ay maleeshiyadan ka soo jeedaan degmada Taleex ee gobalka, isla markaasna ay si cad u diideen in Sanaadiiqdaas la geeyo deegaanadooda.

Khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan ayaa kooban, waxaana jira xiisad colaadeed oo laga cabsi qabo in ay dib uga dhacaan deegaankaas.

Puntland & Somaliland ayaa saacadihii ugu dambeeyey xiisadaha u dhaxeeyaa ay kordheen, taas oo ka dhalatay ka dib markii ay doorashooyinka loo madlan yahay Somaliland doonayso in ay ka hirgaliso deegaano kamid ah Puntland.

Sponsored by Revcontent
Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone

Related posts

Leave a Comment