FAAHFAAHIN kasoo baxaysa weerar dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay duleedka Gaalkacyo.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar maleeshiyo ka soo jeeda dhinaca Galmudug ay ku qaadeen baabuur ka yimid deegaanada bariga magaalada Gaalkacyo, kuna sii jeeday magaaladaas.

Ilaa hadda dhimashada 4 qof ayaa la xaqiijiyey oo ay ku jirto Haweeney, Wiil iyo Aabihiis iyo nin kale, waxayna dhamaantood ahaayeen dad rayid ah.

Sidaas oo kale dhaawacayo ka dhashay weerarkaas ayaa la geeyey gudaha magaalada Gaalkacyo, waxaana aan jirin ilaa hadda cid katirsan labada maamul oo ka hadashay.

Warar laga helayo deegaankii uu ka dhacay falkan ayaa sheegaya in ay jiraan xiisad colaadeed oo ay dhici karto in uu ka dhasho dagaal.

Heshiis ay horey u gaareen labada dhinac ayaa jiray, kaas oo ahaa in laga wada shaqeeyo nabadda iyo daganaanshaha, laakiin heshiisyadaas ayaa marar badan burburay.

Weerarkan cusub ayaa noqonaya mid jabiya heshiiskii ugu dambeeyey oo mudo sadex maalmood ah ay ka wada hadlayeen labada dhinac ee Puntland & Galmudug, ayna goobjoog ka ahaayeen QM iyo AMISOM.

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone

Related posts

Leave a Comment