faah faahin socdaalki Wasiirka Amniga Puntland iyo Ciidamo uu hogaaminayo uu ku gaaray degmada Baran iyo cabsi laga qabo dagaal

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baran ee xarunta gobalka Sanaag ayaa sheegaya in uu halkaas hadda gaaray Wasiirka Amniga ee dawladda Puntland Cabdullaahi Axmed Dowlad oo hogaaminayo ciidamo fara badan.

Ciidamadan iyo dhaqdhaqaaq xoog leh ayaa laga dareemayaa magaalada Baran, waxayna wararku sheegayaan in meel u jirta 30KM ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland & Somaliland.

Degmada HAdaaftihimo ayaa ah meesha ay Somaliland doonayso in ay ka qabato doorashada berri ay u madalsan yihiin, balse ilaa hadda cabsi ayaa ka jirta.

Wafdi kale oo ka socda dawladda Puntland ayaa xalay gaaray magaalada Baran, waxayna xooga saarayaan sidii doorashadaas loo baajin lahaa.

Cabsi weyn ayaa laga qabaa dagaal toos ah oo ka dhex qarxa labada dhinac, gaar ahaana dhaqdhaqaaqyada hadda ka socda gobalka Sanaag oo ay suuragal tahay in ay dagaal isku bedelaan.

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone

Related posts

Leave a Comment