Faah Faahin , Dagaalka ka Socda Duleedka gaalkacyo iyo Wararkii u Danbeyay

Wararka Haatan naga Soo gaaraya magaalada gaalkacyo ee xarunt gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaal xooggani oo ka socdo bariga Gobalka Mudug.

Dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kuwa galmudug, ayaa ka socda deegaanka gacna-fale, oo ku yaalla bariga gobalka mudug.

Gobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan.,Ilaa iyo haatana lama oga khasaaraha ka dhashaya dagaalka oo haatan socda saacado.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in laga dareemayo aagaga labada dhinac, abaabul xooggan oo ay sameynayaan Maleeshiyaad ka soo kala jeeda labada Dhinac.

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone

Related posts

Leave a Comment