DHAGEYSI XASAASI AH: Dawladda PL oo si kulul uga hadlay xarig loo geystay xubno mucaarad ah oo lagu xiray caasumada Puntland

Dawladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay xariga loo geystay 4 kamid ah koox sheegatay in ay yihiin Ururka Badbaadinta Puntland, kaas oo dhawaanihii ugu dambeeyey waday cambaareyn iyo mucaardid ay ku hayeen waxqabadka dawladda.

Gudoomiyaha gobalka Nugaal Col, Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa sheegay in ay xireen kooxo doonaya in ay falal amaan-darro iyo Urur sharci darro ahaa kaga dhawaaqay magaalada Garoowe.

Col, Faraweyne ayaa sheegay in kooxahan cadaaladda la horkeeni doono, taas oo ay ku wajahayaan wixii ay ka helaan sharciga.

Wareysi uu siiyey Idaacada VOA-da ayuu faahfaahin uga bixiyey dhacdadan maanta lagu xiray 4 kamid ah koox dhawaan ku dhawaaqday magaca Badbaadinta Puntland, si adagna uga hadlay shirkii Kismaayo.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone

Related posts

Leave a Comment