DEG DEG+SAWIRRO: Wasiirka Amniga Puntland oo kaga dhawaaqay magaalada Baran, in aan Doorasho S/Land ka qabsoomi doonin….

Wasiirka Amniga ee dawladda Puntland Cabdullaahi Axmed Dowlad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada Baran ee gobalka Sanaag, isagoo halkaas kula kulmay waxgaradka, Odayaasha, qeybaha bulshada iyo Saraakiisha ciidamada.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ay dawladda Puntland qaadanayso doorkeeda sugida Amniga, wuxuuna sheegay in Baran iyo deegaanada kale ee Puntland-ba aysan ka dhici doonin wax doorasho Somaliland ah.

Wasiirku wuxuu cadeeyey in aysan jirin Saan-Saan Doorasho oo kajirta Baran oo ay wafdigooda joogaan, wuxuuna sheegay in ay Puntland ka shaqeyso Deris wanaag, Nabad iyo Soomaalinimo ayna taas xooga saarayso, cidii diidana ay jawaab kale leedahay.

“Puntland Cidna duulaan kuma qaado, cidna ma gardaraysato, cidwalba  waxaanu doonaynaa inaanu nabad, Islaanmo, walaaltinimo iyo somaalinimo kula nolaano, cidii intaa ka soo gudubta waajibkeedu waa gooni” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin cid-cid gumeysan karta, Shacabka gobalka Sanaagna aan waligood cidna gumeysan oo aysan marnaba waxaas dhici doonin, dhicina jirin.

“ Shacabka degan mandiqadan ma ah shacab soo maray gumaysi, Ma ah shacab u dulqaata in shacabka kale oo Soomaaliyeed oo iyagoo kale ah ay yiraahdaan annaga idiin xukumayna, taariikhda lagamuma hayo Shacab yiraahda shacab kale, annagaa tirakoobaynaa idiin maamulaynaa” ayuu sheegay wasiirka isagoo u muuqday mid ka jawaabaya hadalkii Musharaxa kulmiye ee shalay.

Socdaalka Wasiirka Amniga & Saraakiisha ciidamada ee tagay gobalka Sanaag ayaa ku soo beegmaya maalin ka hor waqtiga doorashada Madaxweyne-nimada ee Somaliland oo ay maamulkaasi doonayaan in ay ka qabteen deegaano kamid ah gobalada Sool, Sanaag & Cayn.

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone

Related posts

Leave a Comment