DAGAALKA TUKARAQ OO XOOGAYSTAY IYO GUUTO KA MIDA BEELAHA DAGA GOBALKA SOOL OO LA SOCDAY CIIDANKA SOMALILAND OO DAGAALKA ISAGA BAXAY

Dagaal saaka hiraabtii hore ka qarxay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa haatan aad u xoogaystay ,sida ay xaqiijinayan qaar kamid ah dadka ku sugan nawaaxiga degaankaasi.

Weli war sugan lagama hayo sida dagaalkan ku bilowday iyo dhinaca bilaabay midna,balse saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland oo diiday in magacooda la xigto ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay dagaalka bilowday.

Dagaalkaan oo socda in ka badan laba saac oo xiriir ah ayaa la sheegayaa in uu ka dhacayo ilaa saddex aag oo kala duwan,waxaana adag in xog faahfaahsan laga helo khasaaraha kala gaaray labada dhinac,marka laga reebo wararka lagu faafinayo baraha bulshada oo aysan  jirin cid xaqiijisay iyo meel laga soo xigtay midna

War hada soo DHacay aya shegaya  in  Ciidamo Somaliland katirsana  guuto ka mida  ay iska siibeen tuutihi Ciidanka Somaliland Kuwaas oo ah Beelaha Gobalka Sool ku Abtirsada

Dgaalka ayaa wali socda  lamana oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone

Related posts

Leave a Comment