Dagaalka barriga G Mudug oo maanta sii xoogeystay iyo Khasaaraha oo sii kordhaya

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dagaalkii kasocday bariga magaaladaas uu xoogeystay, khasaaruhuna uu sii kordhayo.

Wariyaheena magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in 23 qof oo dhaawac ah lakeenay isbitaalada labada dhinac, ayna sidaas oo kale jiraan tiro dhimasho ah oo labada dhinacba.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in tiradda dhimashadu ay hadda gaarayso 10 qof oo labada dhinac ah.

Hubka waa weyn ee Tiknikada ah ayay isku adeegsanayaan labada dhinac oo u muuqda in ay u diyaar garoobeen dagaalkan saaka qarxay, oo ay si buuxda gaadiidka dagaalla geeyeen.

Labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug kama aysan hadlin dagaalkan cusub, waxaana maalmihii u dambeeyey socday dadaalo nabdeed oo ku aadan sidii dagaaladan loo joojin lahaa.

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone

Related posts

Leave a Comment