Daawo Sawirada : Camay Oo Soo Afmeeray Safarkiisii Zambia iyo Ujeedada Uu Daarnaa Safarkiisu

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa soo afmeeray safar uu ku tagay wadanka Zambia.

Jaaliyadda iyo ganacsatada ku dhaqan zamnbia ayaa Camay soo sagootisay, waxaana uu uso ambabaxay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Puntland24 ayaa ogaaday in Camay safarkiisu uu daarnaa laba ujeedo; tan kowaad oo ah inuu dhaqaale u helo Ol’olaha uu ugu jiro inuu mar labaad noqdo Madaxweynaha Puntland sanadka 2019-ka, arrinta 2-aad ayaa salka ku haysay arrimo Ganacsi.

Inkasta oo Camay uu yahay Madaxweyne ku xigeenka Puntland, hadana dhinaca kale waa Ganacsade ka mid ah  ganacsatada Soomaaliyeed.

Guud ahaan safarkiisa ayaan  khuseyn hawlaha shaqo ee Ummadda reer Puntland ay u igmadeen ee wuxuu daarnaa safarkiisu arrimo isaga u gaar ah.

Sawiradan waa Camay oo Zambia Laga Soo Sagootiyay;

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone

Related posts

Leave a Comment