Ciidanka Galmudug Oo Xabsiga Dhigay Wariye Hanad Cabdi Faarax

Ciidamada amaanka maamulka galmudug ayaa xiray wariye hanad cabdi faarax oo ka mid ah wariyaasha ka howlgala deegaanada galmudug gaar ahaan magaalada gaalkacyo

Wariyaha la xiray ayaa ahaa agaasimaha idaacada codkamudug ku taala magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug   waxana sidoo kale uu ka mid ahaa wakiilkii hobyomedia  .com ee gaalkacyo waxaana la qabtay xili uu marayay bartamaha magaalada gaalkacyo

Ilaa iyo hada ma jirto wax dambi ah oo la sheegay in uu gaystay wariyaha la xiray waxaana xarigiisa lagu tilmaamay mid sharci dara ah maadaama aysan jirin waraaq maxkamdeed oo wariyaha lagu soo xiray

Qaar ka mid ah wariyaasha gobalka mudug ayaa ku baaqay in deg deg loo soo daayo wariye hanad cabdi faarax oo ay ciidanka galmudug xabsiga gaalkacyo dhigeen

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone

Related posts

Leave a Comment