BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO MAANTA COD U QAADAYA HESHIISYO AY GASHAY XUKUUMADA

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah ansixinta sharciyo iyo heshiis Xukuumadda federaalka Soomaliya u soo gudbisay.

Xildhibaanada ayaa maanta cod u qaadaya heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista ee dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya, kaasoo bishii August ee sanadkan uu soo saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Xildhibaanda ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka doodayay heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista waxayna  soo dhameeyeen akhrinta heshiiskaas.

Heshiiska is dhaafsiga maxaabiista ayaa dhigaya in dowladda Hindiya ay Soomaaliya ku soo wareejiso maxaabiista xukunka ku dhacay ee ku jira xabsiyada dalkaas, si ay xukunkooda ugu dhameystaan dalkooda.

Golaha shacabka ayaa waxaa hor yaala in ka badan 10 Hindise sharciyeed oo horay Xukuumadda u soo gudbisay.

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone

Related posts

Leave a Comment