Atoore Sanjay Dutt oo diiday dhaxal ay uga dhimatay haweenay taageere u ah

Xiddiga caanka ah ee aflaamka Bollywood-ka ee dalka Hindiya Sanjay Dutt ayaa waxaa la soo deristay dhacdo lama filaan ah oo dad badanka yaabisay ka din markii lacag iyo hanti kale ay dhaxal ahaan uga tagtay haweenay taageere u ahayd oo geeriyootay.

Sanjay Dutt ayaa sheegay ininkastoo uu ka mahadcelinayo ficilka haweenaydan, haddana uusan aqbali karin inuu qaato hantidaas oo cadadeeda la sheegin maadaamaa uusan la kulmin waligiis, isla markaasna uusan aqoon u lahayn.

Bishii hore bankiga ayaa atooraha u sheegay in haweenay lagu magacaabo Nishi Harishchandra Tripathi oo 62 jir, taasoo dhimatay bishii Janaayo ee sanadkan inay magaciisa ku qortay lacag iyo hanti kale oo ay iyadu lahayd oo Bankigaas tiilay.

Sanjay Dutt ayaa ka mid ah jilayaasha ugu caansan ee Hindiya, isla markaasna haysta lacag badan Waxaana uu sheegay inuu banKiga kala shaqayn doono habraaca sharciyeed ee lacagta loogu wareejin lahaa qoyska haweenaydan oo ka kooban labo carruur ah iyo hooyadeed, kuwaasoo degan magaalada Mumba

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone

Related posts

Leave a Comment