faah faahin socdaalki Wasiirka Amniga Puntland iyo Ciidamo uu hogaaminayo uu ku gaaray degmada Baran iyo cabsi laga qabo dagaal

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baran ee xarunta gobalka Sanaag ayaa sheegaya in uu halkaas hadda gaaray Wasiirka Amniga ee dawladda Puntland Cabdullaahi Axmed Dowlad oo hogaaminayo ciidamo fara badan. Ciidamadan iyo dhaqdhaqaaq xoog leh ayaa laga dareemayaa magaalada Baran, waxayna wararku sheegayaan in meel u jirta 30KM ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland & Somaliland. Degmada HAdaaftihimo ayaa ah meesha ay Somaliland doonayso in ay ka qabato doorashada berri ay u madalsan yihiin, balse ilaa hadda cabsi ayaa ka jirta. Wafdi kale oo ka socda dawladda Puntland ayaa xalay gaaray…

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone
Read More

DEG DEG+SAWIRRO: Wasiirka Amniga Puntland oo kaga dhawaaqay magaalada Baran, in aan Doorasho S/Land ka qabsoomi doonin….

Wasiirka Amniga ee dawladda Puntland Cabdullaahi Axmed Dowlad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada Baran ee gobalka Sanaag, isagoo halkaas kula kulmay waxgaradka, Odayaasha, qeybaha bulshada iyo Saraakiisha ciidamada. Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ay dawladda Puntland qaadanayso doorkeeda sugida Amniga, wuxuuna sheegay in Baran iyo deegaanada kale ee Puntland-ba aysan ka dhici doonin wax doorasho Somaliland ah. Wasiirku wuxuu cadeeyey in aysan jirin Saan-Saan Doorasho oo kajirta Baran oo ay wafdigooda joogaan, wuxuuna sheegay in ay Puntland ka shaqeyso Deris wanaag, Nabad iyo Soomaalinimo ayna taas xooga saarayso,…

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone
Read More

Iska horimaad hubeysan oo goor dhaw ka dhacay deegaan kamid ah gobalka Sool

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in uu dhacay iska horimaad hubeysan oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyo ka soo horjeeda in doorashadaas laga hirgaliyo Nugaasha gobalka Sool deegaanada loo yaqaano. Wararka ayaa sheegaya in ay ciidamadan hubeysan ku guuleysteen in ay dib u celiyaan Kolonyo gaadiid dagaal ah oo galbinaysay Sanaadiiqda Doorashada oo la doonayey in la geeyo deegaano kamid ah gobalka Sool. Warar madax banaan ayaa u sheegay allpuntlander  in ay maleeshiyadan ka soo jeedaan degmada Taleex ee gobalka, isla markaasna ay si cad u diideen…

Shire Garee WararkeenaShare on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedInShare on TumblrEmail this to someone
Read More